X

Qadar oo kafaalo qaaday nolosha qoysas ay gaaraya 350

Qadar ayaa kafaalo qaaday nolosha qoysas ay gaaraya 350 oo waalidkood ay xasuuqdey kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab sanadkii hore. Dad ku dhoq 1000 qof ayaa si toosa iyo si dadbanba ay u saamaysay xasuuqii 14-ka Oktoober.


“Hay’adda caawimada Qadar halkaasi ugama harin howlihii gurmadka xasuuqii Soobe, 500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday, kuwaasi oo ka mid ah agoontii 14 Oktoober, waxaan maanta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balan qaaday agoontaasi, sidoo kale waxaan u sameyn doonaa daryeel nololeed waxbarashadooda, caafimaadkooda, ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”. ayuu yiri madaxa hay’adda Qadar Cabdi Nuur Xaaji Cali.


Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada ayaa iyaguna sheegay in aan sidaa looga hareyn caawinta masiibadii qaran ee ay gaysatey kooxda gaalaynta Muslimiinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.