Wasaarada arimaha dibedda qoraal ka soo baxay ayaa lagu eryay sarkaal aad ugu kibray Somalida oo ka soo jeeda dalkaasi Yugandha ee ciidamada faraha badan ka joogaan dalka. Sarkaalkan Afrikaanka ah ee kibirsan ayaa laga saarayaa dalka.
”Waxay ila tahay waxa lagu yiri lagu saari maayee waxaad rabto samee waxase lagu daray koox badan oo hadda 9 oo dalkla laga saaray mamnuucay. ”Kooxda Xalane oo aad u cadhaysan ayaa rabta inay aargoosato ayuu yiri Cali Calasow.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ku kacay anshax xumo ka baxsan hawsha uu u joogo dalka, waxana loo jaray warqada anshax xumida ee afka qalaad lagu yira persona non grata oo macnaheedu yahay laguma rabo.
Wuxuu ku biiray koox caadaystey inay dalka liidaan isla markaana waxay rabaan ku sameeyaan, ayagoo u bartey horjoogeyaal u sujuudi jiray oo hadda ay rajaynayaan inay xukunka ka ridaan.
Ninkan la eryay ayaa aad uga so horjeeda nidaamka amniga ee ay rabto dawlada Somaliya, waxana uu ku kacay dembiyo kale.
Shacabka Somaliyeed ayaa soo dhaweeyay eryida ninkan kibirsan ee ku magacownaa ku xigeenka Amisom. Hoos ka fiirso kooxda hore loo eryay oo uu ku jiro kan ugu dambeeya.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS