X

Dawlada Somaliya oo beenisay in qaadka Kiiniya la fasaxay

Dawlada Somaliya ayaa beenisay in qaadka Kiiniya la fasaxay xilli welli aan si saraaxada looga wada hadal xiriirka cusub ee ay wada yeelan doonaan Kiiniya iyo Somaliya. Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa uga digey ganacsatada inay qaadaan talaabo aan la mahadin.

Maalmo kahor ayay ahayd markii Somaliya iyo Kiiniya labaduba sheegeen inay soo celiyeen xiriirki labada dal kadib dhexdhexaadin ay galeen dawlada yar ee Qadar.

Si kastaba ha ahaatee ma jirin is arag dhexmaray labada wadan. Wadahadalka labada madaxweyne ayaan la qorsheyn ayadoo dadku sheegayaan in Kiiniya ay jecehahay inay sugto halka doorashadu ku dhamaato.

Jaadleyda iibisa qaadka ayaa iyagu sheegay inay ugu daran tahay ganacsiga oo dib u furma, maadaama dawlada Kiiniya ku fashilantey inay u ganacsiga qaadka u hesho suuq kale sida Hargeysa.

Kiiniya ayaan rabin inay faraha ka qaado siyaasada arimaha gudaha ee dalka, ayadoo lagula taliyay siiba Ingiriisku kula taliyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.