X

Dawlada Somaliya oo jawaaab ka bixin doonta duulimaadyada ay Kiiniya joojisay

Dawlada Somaliya ayaasheegtay inay jawaab ka bixin doonto duulimaadyada diyaaradaha ee Kiiniya joojisay. Wasiirka duulista ayaa sheegay inayna ka warqabin joojintaas ee keliya ay ku war heleen qoraal ku jira baraha bulshada.


”Waxaan ka jawaabi doonaa qoraalkaas ka soo baxay Kiiniya ee runtii ku ah xaqiraada dawlada iyo shacbiga Somaliyeed ayuu yiri wasiirka duulista.

Dhawaan ayay ahayd markii labada dawladoodba sheegeen in laso celiyay xiriirkii labada dal oo ay ka shaqaysay dawlada Qadar waxase muuqata in Kiiniya ku faraxsanayn heshiiskaas ayna si xaqiraada u aqbashay.


”Kiiniya halagula xisaabtamo sidey ula dhaqanto shacabka iyo dawlada Somaliya, waxase jira in la xaqirayo dawkada Somaliya ayadoo Kiiniya ku doodeyso cuiidamaa ii jooga dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.