X

Dawlada Somaliya oo ka fikiraysa inay soo celiso haween argagixiso u dhalay

Haween Somali ah oo argagixisada Daacish u isticmaashay inay kordhiyaan dadka qaba fikirka gaalaynta ayaa dalbadey ina la soo gaaro. Haweenkan ayaa tiraba guursaday dhowr argagixiso si ay uga badbaadaan in la kufsado markey joogeen Siiriya.


Haweenkan argagixisada ah ayaa ka tagey wadamada Yurub ee magangelyada siiyay waalidiintood laakiin ku furtuurey una gudbey argagixisada. Hadda waxay rabaan in caruurtass ku kordadaan dhul nabada markay qixiyeen dadkii Suuriyiinta ahaa.

Safiirka Somaliya ee Yurub ayaa sheegay in dawladu ka fikirayso sida ugu fiican ee haweenkaan iyo caruurtooda loo badbaadin.


“Waa in layska hubiyaa waa ayo haweenkani iyo khatarta ay ku yeelan doonaan bulshada Muslimiinta ah maadaama ay aaminsan yihiin inaan gaalo nahay ayuu yiri danjire Fiqi.

Xuseen Warsame ayaa isagu qaba in la argsgixiso loo koriyo caruur halisteeda ay leedahay xataa haddii ay yiraahaan waan ka toobad keenay fikirkii gaalaynta Muslimiinta si ay uga badbaadaan Kurdiyiinta qabtey.


Haweenay magaceeda lagu soo koobay Caasha ayaa iyadu guursatey ilaa sadex nin oo argagixiso ah wadatana caruuro kala duwan oo Somali iyo ajaanib ah halka ay jiraan rag Somali ah oo iyaguna haween ajaaniba kaga tagay caruur.


Ragga badankooda ayaa qaar dhaawacan yihiin halka qaarna la khaarajay. Dawladaha Yurub ayaa si fiican yeelay oo kala noqdey baasaboorkooda, hadana waxay rabaan in Somaliya ku noqdaan.

Kuwana sow maaha kuwa Muslimiinta ku suga masaajida hortiisa waa nijaas ina la soo dhaweysto maaha ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.