X

Wararkii ugu dambeeyay xiisada xagjir Taram iyo Iiraan

Xagjir  Taram ayaa sheegay inuu ka niqdey aargoosi uu kula kici lahaa Iiraan oo ka soo ridey diyaarad basaasa oo ah nooca aan duuliyaha lahayn. Taram oo ku faanaya awooda ciidankiisa ayaa sheegay inuu dib uga is taagey aargoosiga markii loo sheegay inay ku dhimanayso 150 qof.


Hadalka Taram uu ku faanay ayaa lagu qosley maadaama ayna macno samayneyn oo kaliya ah inuu ka baqay inuu aargoosi qaado isagoo og in Iiraan gacmaha laabanayn.

Iiraan ayaa beenisay wararaka sheegaya in xagjjr Taram fariin u soo mariyay Cumaan uu ku leeyahay halaga baxo ama halaga wareego goob uu weeraraayo.


Iiraan ayaa soo bandhigtey burburka diyaaradaas aan duuliyaha wadin iyo weliba gantaalkii soo riday. Xagjir Taram ayaa Ruushku u sheegay inuu ka fogaado ficilada kordhin kara inuu bilowdo dagaal buuxa oo aanu guul ka gaarayn.

Waxay kaloo Iiraan sgeegtay in sababta ay u soo riday diyaaradaas ay ahayd inay digniin u dirto diyaarad kale oo milatari oo ay ma socdeen 35 qof oo ag socotey tan aan wadin.

” Dabcan way u sheegi karaan wayna weecin karaan waayo waxaan igbahay in diyaarada la wado iyo ta aan ma wadin inay wada hadli karaan ayuu yiri jeneraalka u qaabilsan diyaaca hore.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.