X

Somaliya oo heshiisyo cusub la gashay shirkado shidaalir

Dawlada Somaliya ayaa heshiisyo cusub la gashay shirkado shisheeye oo hore qandaraas u haystey laakiin la kulmey burburkii dalka. Labada shirkadood we maanta heshiiska lala galay ayaa la yiraa Shel iyo Igsan Mobil.


Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Igsan Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.

“Shirkadaha Shell iyo Igsan Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligii dowladdii dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.