X

Dawlada Somaliya oo talaabo ka qaadaysa anshax xumada baraha bulshada

Wasaarada arimaha diinta iyo booliiska magaalada Muqdisho ayaa digniino ka soo saaray dhacdooyin foolxun oo dalka ku soo kordhay iyo dhaqano xun oo ku soo biiray baraha bulshada.



Waxay booliisku aad uga qayliyeen aalada Tiktok oo inta badan dhalinyar u badan haween ay ku soo bandhigaan falal anshax xumo oo ka fog dhaqankeena suuban iyo diinteena.

Booliisku am sheegin inay yaqaanaan dhalinta falalkan ku kacaysa oo joogi kara dunida dacaladeeda iyo inay amri doonaan shirkadaha bixiya adeegyada internet-ka inay xidhaan Tiktok.


Waxa kale oo wasaarada diintu ka qayliday noocyada kala duwan ee mukhaadaraadka oo si ba’an loogu isticmaalo huteelada qaar ee magaalada Muqdisho inkastoo ayna sheegin waxa iyaga geeyay meelaha noocaasa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.