November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo ugu dambeyn lacag dul dhigtey soo qabashada dhiigmiiratada shabaab+ARAG

Muqdisho–Dawlada Somaliya ayaa ugu dambeyn soo saartey liiska dhiigmiiratada shabaab ee la rabo in aduunyada laga qabto fitnadooda. Liiskan ayaa waxa ku jira dhamaan dhiigmiiratada waaweyn oo aanu ku jirin Mukhtaar Roobow oo la sheegay in uu ka baxay.

Ugu horeyn. Golaha Wasiirada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11 horjooge oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxana golaha wasiiradu ansixiyeen lacago lagu abaal marinayo cidii keenta macluumaad ku aadan halka ay ku sugan yihiin hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabaab. Ragga ay dowladda Soomaaliya lacagta ku raadinayso waxaa ku jira hogaamiyaha guud ee Al-shabaab Axmed Diiriye oo Shabaab dhexdooda looga yaqaan Abu Cubayda, kaas oo madaxiisa la dul dhigay $250,000.

Sidoo kale waxaa abaalmarin lacageed oo gaaraysa $150,000 ilaa $100,000 qofkiiba la dul saaray madaxda kale ee Al-shabaab sida; Mahad Warsame Qalay (Mahad karate), Cali Maxamed Raage (Sh. Cali dheere), C/laahi Cabdi (Da’ud Suheyb), Maxamed Maxamuud Nuur (Suldan), Cali Maxamed Xuseen (Cali Jeesto), Xasan Maxamed Cali (Afgooye), C/laahi Cismaan (Ismaaciil), Maxamed Cabdi Muuse (Haabiil), Maxamed Maxamuud (Dul-yadeyn Kunno), Yaasiin Cismaan (Kilwa) waxaa abaalmarintan qaadan doona cid walba oo sheegta meesha ay joogaan raggan ama suuragalisa in gacanta lagu dhigo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS