November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo xaqiijisay in 12 milyan u dirtey Hargeysa

Dawlada dhexe ee Somaliya ayaa xaqiijisay inay Hargeysa u dirtey lacag gaadhaysa 12 milyan oo doolarka Maraykanka. Lacagtan ayaa qayb ka ah lacago loogu talogalay gurmadka wax loo qabanayo dadkii maalkooda ku waayay suuqa Hargeysa.

Ilaa hadda lacagtan ayaan la garanayn cida ay u gacan gashay ayadoo ay dawladu sheegtay inay ku shubtey keyd ay qoratey kooxda lagu magacaabay gurmadka suuqa Hargeysa.

Dawlada Somaliya ayaa sidoo kale kala hadashay midowga Yurub sidii wax loo gaysan lahaa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii waxyeladu soo gaartey. Mid ka mida dadkii ku waayay maalkiisa ayaa sheegay inayna jirin cid nala soo xiriirtey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS