Waraaq loo soo qorey Rooble Baahane ayaa lagu sheegay in uu eryay wakiilka Afrika u qaabilsan ciidanka AMISOM ee hadda la baxay ATMIS. Rooble baahane ayaa warqadan ku sheegay inuu ergaygaas dalka ka baxo.
”Waxaa wax lala yaabo ah inuu haddana isku qaatey inuu yahay madaxweynaha dalka oo safiiradii dalka u joogay shisheeyaha uu eryi karo ayuu yiri Cali Calasow. Yaa awoodaa siiyay xilli xildhibaanada la doortey badankooda.
Hadduuba wax eryi karo waxna magacaabi karo, waxa ku waajiba madaxweynaha inuu eryo isaga, waxase muuqata in kooxda Xalane si caadiya u qasayso dalka ayuu ku daray Cali Calasow.
”Dalka doorashadiisu waa gabaabsi waxana waxaas oo dhan loo samaynayaa waa si ayan doorashadaas u dhicin ayuu qabaa Xuseen Warsame ayagoo qirtey inaan boos u oolin cida ay wataan.
Haddaba maxaa la gudboon golaha shacabka ee welli shaqaynaya, waxaa waajiba inaan dalka lagu daawan jaahil la wato ee ay ka fadhiistaan kana badbaadiyaan qaska uu wado, iyaga iyo kooxda Xalanaba.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS