Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dawlada Soomaaliya oo qaaday talaabo dhirbaaxo ku ah Kiiniya

Kadib kibir xoogan oo Kiiniya ku bilowdey dawlada Somaliya iyoo shacabka Somaliyeed ayaa waxa la filayaay in dawlada Somaliya haba taag dareetee ay ka falceliso talaabooyin guracan ee Kiiniya oo dabada ku haysa Maraykan iyo Ingiriis.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku wargelisay Hey’addaha Qaramada Midoobey, Hey’adaha ku naaxay lacagaha lagu soo qado hadayba jiraan magaca Somaliya in aanay ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka, Siminaarada iyo Tababarada ee ka dhacaya Nayroobi.



Waxaa ay ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo bedelo dal kale, si wakiiladda wasaaradda ugu fududaato dhanka safarka.

Shirkii Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray go’aan ah in Wasaaradaha Xukuumadda inay ku wargeliyaan Hey’adaha ay bahwadaagta iyo wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nayroobi laga raro, isla markaana loo wareejiyo magaalooyinka sida Kigali, Kampala iyo Addis Ababa.



Dawladda Kiiniya ayaa dhowaan garoonkeeda ka celisay shaqaale ka tirsan wasaaradaha dalka iyo masuuliyiin dawladeed. Waxayna martigelisaa mucaarad ku sheega. Wax qarson maaha shirqoolada reer galbeedku la wadio ee Kiiniya ka fuliso Koofurta dalka iyo weliba mujo xaabinta nidaamka dawladeed si ha iyo jeer Somalidu ugu baahato, uguna hamityin inay aayahooda ka tashadaan.

Inkastoo talaabadani tahay mid fudud haddana waxa la filaayay in Somaliya ku soo rogto cunaqabatayn dhaqaale oo ay kordhiso cashuurta badeecada ka timaada Kiiniya.



Waxa kale oo fiican in gebi ahaanba la joojiyo dhaqaalaha xoogan ee askartoodu ka qaadato dalka. Somalida ayaa geliyay Kiiniya malaayiin doolar bixiyayna cashuurta ugu badan magaalada Nayroobi ee daxalaysatay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...