X

Dawlada Yaman oo taageertay Somaliya una digtey Imaaraadka

Dawlada Yaman ee ay ka taliyaan Xuutiyiinta iyo taageereyashii Cali Cabdalle Saalax ayaa taageertay Somaliya una digtey Imaaraadka oo si xu faraha ugula jira danaha Somaliya.



Maxamed Cali Al-Xuuti waxa uu qoraalkiisa ku muujiyey Taageeradda uu u hayo Somalia, kadib, markii uu aad u xumaaday Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dolwadaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta.



Waxa uu ku eedeeyey Imaaraadka inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha Somalia, isla markaana ay dhaawacayaan Xuduudka dhuleed ee Midnimadda Somaliya iyo Hawlaha ay Imaaraadka Carabta ka wadaan gudaha Somaliya.

Waxa uu ugu baaqay Imaaraadka inay  isaga soo baxaan Somaliya.

Xulafada Wahaabiyada uu Sucuudigu hogaamiyo ayaa weerar xasuuqa ka gaystey Yaman.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.