Kadib booqasho uu madaxweyne ku xigeenka Maraykanku ku tagay Turkiga ayay isla qaateen in Turkigu qaato xabad joojin ka dhacda Suuriya ayagoo u qabtey muddo 10 isho ah in Kurdiyiintu kaga baxaan aaga xadka ah.
Weerarka Turkigu ku hayo Suuriya ayuu joojin doonaa taas oo fursad siinaysa Kurdiyiinta oo ay caawinayaan Maraykanka inay baneeyan aaga xadka ayuu yiri ku xigeenka Taram.
Ma cada sida loo fulin doono ayadoo Turkidu ku hadleen hadalo ka duwan. Waxa Taram ka joojiyay Dayib Erduqaan cunaqabataynii yarayd ee uu saaray.
Dhaqaalaha Turkiga kaga baxaya dagaalkan ayaa la sheegay inay qayb ahaan ku deeqday Qadar. Imaatinka weftiga Maraykanka ayaa imaanaysa kadib markii madaxweynaha Ruushku casuumey dhigiisa Dayib Erduqaan.
Ciidamada Suuriya ayaa mar hore yimi magaalooyinka ugu badan ee xadka dalkaasi Suuriya ayadoo ciidanka Turkiga lagu hakiyay deegaano dhowr ah.
Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in marnaba ayna dhacayn in ciidamada Suuriya iyo Turkigu isku dhacaan.
Rashiid Ceelaanyo