X

Golaha shacabku waa inuu joojiyo safarada dambe ee Xasan Culusow

Waxa isa soo taraya baaq ku aadan safarada macno darada ah ee Xasan Culusow ku jaqayo lacagta masaakiinta. Fadhiid Xasan Culusow oo dib u soo noqoshadiisa ay qayb weyn ku lahaayeen kooxda Xalane ee Maraykanku ugu horeeyo ayaa safaro aan haba yaraatee wax faaiido ugu jirin qaranka ku qasaariyay malaayiin doolar ayuu qabaa Cali Calasow.



”Runtii iima muuqato gole shacab oo hadda jira iyo wax kala socda waayo dalku wuxuu marayaa halkii ugu darnayd maamul ahaan iyo kartiba ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

”Soo jeedin kasta oo aan keeno hoosta ayaa la geliyaa, waana sheeko isku xiran, haddana waxaba socota lacag waalan oo dalka lagu gadanayo waayo xildhibaan la gatay waa dalkoo la gadanayo ayuu raaciyay xildhibaanku.



”Ma jirto nidaam Xasan Culusow looga horjoogsanayo inuu lacagta masaakiinta ku tamashleeyo ayuu qabaa Xuseen Warsame waase muhiim in la xadido safarada qasaaraha ugu fadhiya dalka sida kuwan Xasan Culusow uu ku jiro ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.