X

Deegaanka Araabi oo ka mid noqdey goobaha dalxiis ee ay iman doonaan madaxda deegaanka iyo kuwo kale

Wafti ka socda wasaaradaha dalxiiska iyo dhaqanka ee ismaamulka Somalida Itoobiya ayaa booqasho ku kala bixiyay deegaanada loo doortey in ay noqdaan deegaano ay booqdaan wufuud kala duwan oo ka tirsan ismaamulka iyo kuwo kale una qaabilsan dalxiiska. Deegaanka Araabi ayaa ka mid noqdey deegaanada ay booqdeen siiba biyaha kulul oo u dhow Araabi.

Goobaha loo doortey dalxiiska ayaa waxa iman doona madaxweynaha ismaamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo wufuud kale.

Waftiga ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay sidoo kale booqdeen goobo loo doortey dalxiiska oo ay ka mid yihiin masaajidka qadiimiga ah ee Tuulada Derbiga oo hoostagta maamulka Degmada Tulli-guuleed ee Gobolka Faafan iyo duurjoogta teedsan kaymaha iyo wadooyinka ku ekoon duleedka Tuulada Dhuure ee Degmada Ayshaca.

Goobaha loo xushey todobaadka dalxiiska ayaa mustaqbalka heli doono kobcin si ay u noqdaan goobo dadku u yimaadaan si joogta ah.

Todobaadka dalxiiska ayaa si xawli ah uga socda ismaamulka Somalida Itoobiya oo sanadkan iyadu martigelin doonta.

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.