November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Deegaano horleh oo dib xoriyad u helay

Ciidamada sida aadka u tababaran ee Danab ayaa dhiigmiiratada Shabaab ka dul qaaday deegaano horleh oo hoostaga gobolka Jubbada hoose halkaas oo dadku ku noolaayeen cabsi cagajugleyn iyo dhiigooda oo la xalaashadey ayadoo ay ku sheegaan basaasnimo.



Tuulooyinka argagixisada ka carareen laguna soo celiyay gacanta shacabka waxa ka mida Cabdidhoore,  Beerxaani, iyo Haadweyne oo ah Jubbada Hoose iyo Geedhub oo ah Shabeelaha dhexe.



Taliye gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi oo la hadley dadka la xoreeyay ayaa u sheegay in ay ilaashadaan xoriyada ay dib u heleen soona wargeliyaan dawlada meelaha cadowga fuleyda ah isku qarinayaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS