X

Deg-deg: dawlada oo xaqiijisay Somali badan oo ku nool gobol cudur hadheeyay

Dawlada Somaliya ayaa xilli dambe oo xeero iyo fandhaal kala dhaceen xaqiijisay in Somali farabadan ku nool yihiin gobolka xaniban ee takooran ee Shiinaha ee uu ka dilaacay cudurka hargabka. Safaarada Somaliya ee Shiinaha ayaa ugu dambeyn sheegtay inay jiraan Somali farabadan.


“Waxa jira ilaa 40  Somali ah oo ku nool gobolka Wuhaan oo u badan ardey wax Ka barata ayuu yiri safiirka Somaliya ee Shiinaha oo aad ula soo daahay akhbaartan muhiimka ah.

“Ilaa hadda ma jiraan Somali la sheegay inay cudurka qabaan. Cudurkan ayaa la rumaysan yahay in qofka qabaa uu gudbin Karo inta ayna soo bixin calaamadaha waaweyn ee naqas ku dhega, qufaca iyo hindhisada.


Dalkeena oo burbursan muddo sodon sanno ah ayaan awoodin inuu la tacaalo khatar balaadhan oo sidana. Waxaan u sheegay inay joogaan halka ay joogaan si toosana ula xiriiraan xarumaha caafimaadka ayuu raaciyay safiirku.

Dalka ayaa halis ugu jira in Somalidaasi keenaan cudurka marka loo fasaxo inay dhoofi karaan ayuu yiri Cali Calasow xilli dawlado badan rabaan inay dadkooda Kala baxaan Shiinaha laakiin Somaliya ayaan sidaas samayn Karin maadaama ayna u haynin adeegii caafimaad.

Dhimashadu ugu dambeysay

Cudurka harganka Shiinaha ayaa ilaa hadda diley 170 qof halka cudurku Ku faafay wadamo bean inta qabtaana si cash dhaafa u gaadhey 7800 qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.