X

Deg-deg: Gobol muslima oo diyaariyay 12-kun oo ciidana

Hogaamiyaha gobolka Jejniya ee dalkaasi Ruushka Khadiiroof ayaa sheegay inay diyaarsan yihiin 120-kun ciidana markii loo baahdo si ay uga qayb galaan dagaalka Yukarayn. ”U baahan mayno laakiin halala socdo in markasta ay diyaar yihiin.


”Waxaan leehay ninka madaxweynaha u ah Yukarayn ee kolba daar ku dhuumanaya hadda soo raali geli madaxweyne Buutin ayuu yiri Khadiiroof oo aabihii dagaal la galay Ruushka laakin markii dambe laga adkaaday kadibna Ruushku geliyay lacag xad dhaafa dibn au dhisay gobolka.

Caasimada gobolka ayaa hadda ah caasimadaha ugu quruxda badan gobolada Ruushka, waxana ku yaala masaajida si aad u qurux basdan u dhisan.


”Markasta oo madaxweynuhu bixiyo amarka waxay diyaar u yihiin inay galaan Yukarayn. Dhinaca kale wararkii u dambeeyay ee Yukarayn ayaa sheegaya in madaxweynaha dhuumanaya ee Yukarayn uu muuqaal iska soo duubay uu ku sheegay inuu welli dhex joogo caasimada Kiyeef.

Yukarayn oo ciidanka Ruushku si xora u socda dalkeeda ayaa sheegtay inay isku diyaarinayso inay is dhiibto keliya aan isla garan la’nahay Ruushka halka lagu qaban lahaa wadahadalkaa is dhiibka. Waan ogol nahay inaan is dhiibno wax kale nooma furna, waxna kama jiraan inaan ka noqonay ayuu yiri afhayeen u hadlay madaxweynaha dhuumanaya.


Cunaqabataynta

Dhinaca kale Ruushka ayaa ku qoslay cunaqabatayn ay sheegteen reer Yurub oo Maraykan dabada ka wado oo ay sheegeen inay ku soo rogeen hantida madaxweyne Buutin iyo wasiirkiisa arimaha dibedda ee ruug cadaaga ah.

”Wax hantiya oo madaxweyne Buutin iyo wasiirkaba dibedda u taala ma jirto ayay tiri haweenayda wasaarada arimaha dibedda oo aad ugu qososhay warkaas.



Hadda soo wac madaxweyne Buutin ayuu yiri Khadiiroof kana raali geli waxaad u soo daahday si aad u badbaadiso dalkaaga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.