X

Deg-deg: Woqooyiga Kuuriya iyo Shiinaha oo si toosa isku kaashanaya

Madaxweynaha Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada iskaashi ee ka dhaxayn kara Woqooyiga Kuuriya iyo Shiinaha kadib sida uu hadalka u dhigay xaalada cusub ee soo korodhey. Madaxweynaha Shiinaha ayaa loo malaynayaa xaalada cusub ee Ruushka iyo kooxda sheegata NAATO.


Kooxdan loo soo gaabiyo NAATO ee Maraykanku hogaamiyo ayaa cunaqabatayn ku soo rogtey Ruushka halka ay balan qaadeen inay hubaynayaan Yukrayn, waxa taas u dheer in markab Maraykanku leeyahay uu maanta dhexmaray biyaha u dhexeeya Shiinaha iyo jasiirada uu hubeeyo ee Taywaan.


ā€¯Waxaan aad u xoojinaynaa saaxiibtinimada ka dhaxaysa Shiinaha iyo Woqooyiga Kuuriya ayuu yiri madaxweynaha Shiinaha. Kuuriyada Woqooyi oo leh ciidan aad u adag iyo awooda nukliyeerka ayaa hadda u dhaqaaqday inay samaysato gantaalihii u dambeeyay oo aanu haysanba Maraykanku.


Gantaalahan aan la soo ridi karin ayaa faaiido daro ka dhigaya lidka gantaalaha ee Maraykanka, waxana hadda haysta oo keliya Ruushka iyo Shiinaha oo dhawaan tijaabiyay mid laakiin aan weli ku guulaysan.

Waxay talaabada Shiinaha keenaysaa ifafaalaha ah in la xoojiyo xulafada Maraykan diidka ah haddiiba ay sii korodho xiisada hadda u dhaxaysa Ruushka iyo Maraykanka ee Yukrayn. Inkastoo Ruushku ku filan yahay xulafada NAATO ee Maraykanku horkacayo wuxuuse u baahan doonaa in laga taageero dhinaca dhaqaalaha ayuu yiri Xuseen Warsame.

Dhinaca kale Woqooyiga Kuuriya ayaa tijaabisay gantaal kale oo ku dhacay biyaha Jabaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.