Saturday, February 23rd, 2019
header

Deg deg: Halkee ku sugan yahay Cabdi Maxamuud Cumar iyo waxa lagu haysto oo la ogaadey

Halkee ku sugan yahay Cabdi Maxamuud Cumar iyo waxa lagu haysto oo la ogaadey. Waxaan la soconay in saaka ciidanka dawlada dhexe ee Itoobiya ay galeen madaxtooyada Jigjiga qabteena madaxii ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno sarsare oo ka tirsan maamulkiisa.



Hadaba waxa la ogaadey sababtii keentay qalalaasaha ku yimi noloshii dadka magaalada Jigjiga oo dhalinyar raacsan Cabdi Maxamuud Cumar ka bilaabeen rabshado dhinacyo badana.

Madaxweynaha maamulka ayaa loo sheegay inuu ka soo qaybgalo shir sirdoon oo ka dhici lahaa Jimcihii shalay magaalada Addis ababa, dibna u dhigo shirka golihiisa barlamaan ee dhici lahaa maanta.



Waxana sirdoonka Ioobiya sheegeen inuu shirkaas diidey isla markaana ku hanjabay inuu ku dhawaaqi doono qodobka 39 ee dastuurka dalkaasi ee sheegaya in qoomiyad kastaa ka tashan karto aayaheeda ayadoo madax banaani raadsan karta.

Qodobkan 39 ayaa dood aad u dheer ka taagneyd Itoobiya ilaa iyo markii lagu daray dastuurkii dalka loo sameeyay sanadii 1991. Waxana diidanaa Axmaarada.



Qodobkan ayaa u fiicnaa Somalida ayadoo xilli kasta ku dhawaaqi kara in AFTI madaxbanaani laga qaado dadka deegaanka.

Shirka amniga ee dawlada dhexe ku baaqdey ayaa looga hadli lahaa dagaalada soo noqonoqaya ee ka dhaca xuduudaha qabiilada Somalida iyo Oromada iyo Oromada iyo kuwa kale.



Waxa warku intaas ku darayaa in ciidanka liyuu booliisku ay dileen askar ka tirsan dawlada dhexe xalay inkastoo tirada aan la sheegin, xireena isla ciidan ka tirsan iyaga oo diidey inay Cabdi Maxamuud Cumar amar ka qaataan.

Dhinaca kale dawlada dhexe ee Itoobiya ayaa sheegtay in bililiqada ay wadaan taageereyaasha Cabdi Maxamuud Cumar oo ay sheegeen in lagu hayo xarun ku taal Jigjiga.



Waxa dawlada dhexe sheegtay inay soo kordhinayso ciidanka jooga Jigjiga si amniga loo sugo. Xaaladan ayaan la garan Karin sida ay ku dhamaan doonto.

Abiy Axmed ayaa ku doodaya in uu burburayo amarka iyo kala dambeyntii ismaamulku. Si kastaba ha ahaatee talaabada uu qaaday ayaa walwal ku abuurtey aduunka su’aalna gelinaysa isbedelkiisa.

Waxayna sii xumaan doontaa haddii dad ku dhinto falka uu amrey in ciidan galo Jigjiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Qalbi aniga waaye: Qiso naxdina oo walaalkeen qabsatey

February, 21, 2019
naxdinWarsame magaciisa saxda ah maaha waa shaqaale ka ...

Muuse Biixi oo loo sheegay inu la shaqeeyo dawlada dhexe

February, 21, 2019
Madaxa maamulka Somaliland oo looga yeetay Itoobiya,ayaa loo ...

Amisom oo laga saarayo xeradii tababarka ciidanka ee Jaalle Siyaad

February, 20, 2019
Ciidanka Afrikaanka ah ee guusha ka keenay la ...

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo Farmaajo

February, 20, 2019
 Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sugan caasimada Jabuuti halkaas ...

Maxaa ka jira in Farmaajo Muuse Biixi kula kulmayo Itoobiya

February, 20, 2019
Waxa baryahan jirey warar sheegaya in raiisal wasaaraha ...

Dhacdooyinka

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay xagjir Trump

February, 14, 2019
Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka ...

Muwaadin waxqabad dhaba lagu yaqaaney oo xil la wareegay gobolka Awdal

February, 13, 2019
Dr Maxamed Xaaji Cumar Yaabe oo dad badan ...

Puntland oo ogaatey halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso

February, 13, 2019
Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegtay inay ogaadeen halka argagixisada ...

Siyaasi Cali Faarax oo si adag uga hadley dhalinta xustey xasuuqii SNM ee Awdal lagu xirey

February, 12, 2019
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa si adag uga ...

Saldhiga Imaaraadka aan Berbera ka siinay kiro maaha: Somaliland

February, 9, 2019
Waxa ilaa in muddo ah soo socotey sheekada ...

Dawlada Somaliya oo dacwad la fuushey maraakiib shisheeye

February, 8, 2019
Dawlada Somaliya ayaa dacwad la fuushey maraaiib ajaaniba ...

Boorama oo laga xusey maalinta madow ee 4-ta Feeberweri ee xasuuqii SNM

February, 4, 2019
Maalintan madow ayaa SNM oo wadata askartii Mingeste ...