X

Deg-deg: Madfac Maraykanku siiyay Yukrayn oo lagu weeraray warshad nukliyeera

Masuuliyiinta gobolka Khersan ee Yukrayn ayaa sheegay in weerar uu hagayo Maraykanku lagu weeraray warshad korontada ka dhalisa nukliyeerka oo ku taal Koofurta dalkaas.


Warshadan iyo agagaarkeeda ayaa waxa gacanta ku haya ciidamada Ruushka iyo kuwa dadka deegaanka. Waxana si joogta u soo weerara madaafiicda uu hagayo Maraykanka ee Yukrayn uu qarsoodiga ku soo geliyo.


Masuuliyiinta gobolka ayaa soo bandhigey duleel uu kaga tagay madfacu. Dhismahan la duleeliyay ayaa waxa ku Jira sun ay ku shaqayso warshadu. Ruushka ayaa ilaa hadda sheegin in madfacu abuuray qarax kaas oo kicin kara naqaska nukliyeerka oo dad badani ku dhiman karaan.

Ruushka ayaa xilli hore sheegay inay soo rideen diyaarad aan is wadin oo Maraykanku hagayo taas oo isku dayday inay soo dulgasho aaga warshada.



Maraykanka ayaa sheegta inuu yahay wadan awoodleh ayaa dhaqaale burbur xoogan ka qaaday cunaqabataynta uu saaray gaaska, saliida iyo maciishadaha kale ee Ruushka laga soo iibsado. Asagoo weliba baryaya wadamada kale inay la caawiyaan sidii loo go’doomin lahaa dalweynaha Ruushka dhaqaale ahaan laakiin adduunka badankiisu waa ka waayay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.