Monday, October 2nd, 2023
header










Meta







Deg-deg: Jabkii ugu xumaa oo ku dhacay maleeshiyada Tigreega

Milastariga Itoobiya ayaa ku riday jabkii ugu xumaa maleeshiyada Tigreega gaar ahaan sadexda aag ee gobolka Axmaarada. Tigreega ayaa hadda laga eryaday ugu yaraan 8 magaalo oo hore ay u bililiqaysteen.



”Tan ugu sii daran ayaa ah inay difaac ka dhigteen alaabtii ay ka bililiqaysteen magaalooyinkaas sideeda ah sida Lalibela iyo Woldiya. Dhinaca wadada B2 ee toos u aada Maqale ayaa maleeshiyada laga eryaday Shewa robit, Molale iyo dhamaan magaaloyinka ku wareegsan ayuu yiri qoraal ka soo baxay ciidanka.



Mudadii gaabnayd ee raiisal wasaare Cabi Axmed u dhaqaaqay kooxdan reer galbeedku dabada ka wataan ayaa milatarigu ku dhiftey dhirbaaxadii ugu xumayd ayagoo ka eryaday ugu yaraan 6 magaalo.




Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa ciidanka u sheegay inay ogyihiin inay guushu raacayso. Waxa kale oo shalay u sheegay hooyooyinka Tigreega inay la baxaan dhalintooda inteyna helin meydkooda.

Magaalooyinka laga eryaday shalay ilaa maanta ayaa kala ah Lalibella, Woldiya, ShewaRobit, Geshana, Molale, Jama Dogolo, Akasta, Wolle Illu, Mezezo.

Guulahan is daba jooga ah ayaa waxa aad uga naxaya reer galbeedka oo muddo afar bilooda faafinaayay in Tigree 5 milyana qabsan karo Itoobiyada kale oo 100 milyana.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Samaroon karti xumaa haysa waana ta halkaa dhigtey: Cali Faarax C/llaahi

May, 5, 2023
Waa u jeedaan in Harti goonideeda u baxday ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...