X

Deg-deg: Madaxweyne Buutin oo gabadhiisa ku talaalay daawadii u horeysay ee Koroona

Madaxweynaha dalkaasi Ruushka Buutin ayaa shaaca ka qaaday in la diiwaangeliyay daawadii u horeysay ee cudurka Koroona maanta kadibna uu ka talaalay cudurka gabadhiisa. Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi ayaa sheegtay usbuucii hore in daawada la diiwaan gelinayo usbuucan.


”Waxa maanta wasaarada caafimaadku ogolaansho siisay isticmaalka daawadii ugu horeysay ee looga hortagayo cudurka Koroona ayuu yiri Buutin waxaanan ka talaalay gabadheyda.

Daawada oo ay sameeyeen machadka baadhista caabuqyada ee Moosko ayaa ogolaanshaha la siiyay maanta oo Salaasa ah ayuu yiri Buutin.


”Waxaan rajaynayaa in si degdega loo badiyo daawada si aan dadka Ruushka uga talaalno cudurka Koroona guud ahaan. Raiisal wasaare ku xigeenka dalkaasi ayaa sheegtay in dadka dhan la talaali doono sanadka cusub.

Buutin ayaa sidoo kale sheegay in gabadhiisa ay yeelatay xumad kacsan markii la talaalay oo gaartay 38 malintii koowaad maalintii labaadna 37 laakiin intaa wixii ka dambeeyay ay caadi ku soo noqotey.


Wadamada reer galbeedka ayaa aad uga naxay warka ka soo baxay Ruushka ee ah inay noqdeen dalkii ugu horeeyay ee soo saara daawada Koroona.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.