X

Fadeexad: argagixiso lagu naas-nuujinayay Muqdisho oo toogtey ilaaladii xabsiga

Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhacday fadeexadii ugu weynayd kadib markii argagixiso lagu naas-nuujinayay halkaas ay si fudud qoryo gacanta ugu galeen kadibna edbiyeen kuwii ilaalinaayay.


Afhayeen u hadlay gobolka Banaadir ee fadeexadani ka dhacday ayaa qirtey in askar ilaalo ah laga diley. Sida cadna ilaalada ayaan fahansanayn halka qoryaha la dhigto iyo cida ay ilaalinayan kuwa ay yihiin ayuu yiri Cali Calasow.

Xabsigan ayaa lagu sheegaa kan ugu adag tahay ilaaladiisa, waxase goobta ay ku qaarajen ilaa hal askari inta hadda afhayeenku qirsan yahay.


Dagaal kooban oo argagixisada maxaabiista ahayd ay ku sigteen inay ooda jabsadaan ayaa laga gaaray. Waxa la sheegay inay xataa shacab toogteen argagixisadii hubku u gacanta galay.

Waa fadeexadii ugu weynayd o ka dhacda jeel dawladu leedahay, taas oo muujinaysa iyo macnaha dhan ee argagixiso inayna fahansanayn.


ā€¯Waxaan tooganay 6 ka mida maxaabiista halka 4 kalana dhaawac ahaan loo qaaday ayuu yiri afhayeenka wasaarada warfaafinta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.