X

Dawlada oo guddi u saartey fadeexadii ka dhacday xabsiga dhexe e Xamar

Shalay ayay ahayd markii argagixiso ku jirtey xabsiga dhexe ay qoryaha ka qaateen askarta ilaalada kadibna dib u toogtey iyaga. Fadeexadan ayaa saamaysay ciidanka booliiska oo u muuqda in ayna ogeynba khatarta dadka lagu naas-nuujinayo jeelasha.


Inkastoo warar aan la xaqiijin karin sheegayaan in qoryaha hoos loogu geeyay taas oo ah fadeexad ka sii weyn, haddana waxay qirteen maamulka xabsigu in askarta hubka laga qaatay.

”Gadood ayaa jirey kadibna askari ayaa qorigiisa laga qaatay oo lagu toogtey, isla kii qoriga ka qaatay ayaa askari kalana toogtey ayuu yiri masuul u hadlay xabsiga, tani oo aan ahayn wax dhici kara.


Haddaba dawlada ayaa guddi u saartey soo baarta waxa dhacay, waxana la siiyay 10 cisho inay jawaab kaga bixiyaan waxa sababay in askar hub laga qaato haddayba dhacdaba.

Guddiga ayaa waxa ka mida

Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye
Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin
S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin
S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin
S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee
Maxkamadda Ciidamada​ Xubin
G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista
Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Tirada dhimashada oo korodhay

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo sii faahfaahiyay xaaladihii u dambeeyay ayaa sheegay in dhimashada guud ay tahay 19 oo isugu jira 15 maxaabiisa iyo 4 askartii ilaalada ahaa,.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.