Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Deg deg: Maxkamad ku taal Maraykanka oo amar ka dhana Trump soo saartey

Maxkamad ku taal Maraykanka ayaa joojisay amar uu soo saaray Trump oo sheegayay in Muslimiinta laga hor istaago Maraykanka xataa haday dalku-gal wataan.

Waxa madaarka New York iyo Qaahira lagu joojiyay dad dalku-gal wata oo u diyaara in ay dalka galaan ama u soo dhoofaan. Waa maxkamadii u horeysay ee ku dhaqaaqda talaabo noocana.



Waxa la filayaa in todobaadyada soo socda Iyana la joojiyo talaabooyinka kale ee Trump ku joojinayo todoba wadan oo Muslimiina oo Somaliya ku jirto oo xataa ay ku jiraan dadka wata baasaboorada kale.



Xaakinka federaalka ee magaalada New York haweenayda Ann Donnelly ayaa amartey in aan la dhoofin Karin dadka lagu haysto madaarada Maraykanka imika ahaan dadkaas oo dalku-gal saxa wata.

Dadweyne farabadan oo hor fadhiyay goobta maxkamada ayaa ku dhawaaqay guul guul. Waxa kale oo ay sheegeen in xaakinku sheegay in dawladu soo saarto dadka ay ku hayso xabsiyada tiradooda ilaa xilligii Trump amarka soo saaray.

Kooxaha xuquuqal insaanka ayaa sheegay in Trump tuseen guuldaro usbuuciisii ugu horeeyay oo ayna weli kow joojin.

Siyaasiyiinta badankooda ayaa qaba in Trump ku awr kacsanayo oo hadda ogaadey in sheekadani soconayn, oo uu ku andacoon doono maxkamadahaa I hor istaagey waanad u jeedeen.



Xaakinka ayaa qabtey bisha soo socota dhamaadkeeda xilliga ay dhegeysan doonto dooda sharcigan.

Sawirka hoose waa madaarka New York oo soo jiitey dad aad u farabadan oo banaanbaxaya. Siyaasiyiin Maraykana ayaa hadda qaba in Trump halis ku yahay AMNIGA dalka.

Trump oo hadlay shalay ayaa sheegay in ayna ahayn Muslim joojin.

Ku xidhnow ARAABINEWS wuxuu soo kordha

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...