X

Furinleyaal xaaraan isku dhaarsaday oo la sheegay in la xidhey

Waxa xalay la soo geliyay baraha bulshada furinleyaal (roodhiileyaal) isku dhaarsanaya inay daliciyaan qiimaha ay ku iibiyaan rootiga. Arintan ayaa waxa aad u gubtey shacabka magaalada Hargeysa iyo dadkii daawadeyba.


”Waxa muuqata in loo heshiinaayay dadka shacabka oo masaakiin u badan oo aan awoodin qiimaha hadda lagu gado rootiga iyo miciishada muhiimka ah ayuu yidhi Xuseen Warsame.

Kooxdan furinleyaash ee xaaraanta isku dhaarsaday ayaa la sheegay in loo yeeray si looga xog waraysto waxa ku kalifay inay ummada isku dhaarsadaan, ayadoo uu goobjoog ahaa badhasaabka magaalada Hargeysa.


Waxase la sheegay in lays afgaran waaayay kadibna isla bartii loogu yeeray in jeelka loo taxaabo. ”Waxaad odhan kartaa waa xabsi u taxaabidii xalaasha hayad intii Muuse Habndaraab meesha joogey ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



Dhaartan xaaraanta ah ayaa ka soo horjeeda suuqa xirta ah ee diinteenu inoo jideysan.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.