30/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg Deg: Puntland oo Qandala ka sifaysay argagixisada

“ Shalay afartii saac ee subaxnimo ayaan tegay, waxaa iska hor imaad oo ka dhacay ma jiro, saaka ayaan meel dhaqdhaqaaq ka dareemay, rasaas ayay soo rideen, islamarkiiba rasaas ayaan ku jawaabnay, magaaladana, dhinaca buuraha ayay uga baxeen” ayuu yiri,

Taliyuhu wuxuu sheegay in Maleeshiyaadkii Daacish ee haystay magaaladda  ay dhinaca buuraha u baxeen, ciidamadiisuna ay ku sugan yihiin cirifka magaaladda,oo aysan wax dhaqdhaqaaqa ah ka jirin magaaladda qandala

“annigu ciidanka badda ayaan watay, ciidankuna magaalada afkeeda ayuu ku sugan yahay oo dhinaca badda ah, wax dagaal ah oo ka socdaana ma jiraan, ciidamadana kalena kor ayay joogaan oo waa la heli doonaa warkooda” ayuu yir taliye Xaayow

Taliyuhu wuxuu sheegay in dhowaan ay filayaan in ciidamada dhinac dhulka ayaa soo gaari doonaan magaaladda Qandala, waxaa kaloo uu sheegay inay ka sifayn doonaan dhammaan degaamadda ay ku sugan yihiin ee buuralayda gobolka Bari.

“waa yaqaaniin xabadeena kulaylkeeda, dalkana ciidamo adag ayaa jooga, waxaas iyo wax la mid ah uma joojin doonaan” ayuu yiri.

cf23f946985f82aa1636[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS