X

Reer galbeedka oo si xun u kala jabay iyo Faransiiska oo safiiro soo ceshaday

Reer galbeedk ayaa si xun u kala jabay ayadoo Faransiisku dib ugu yeedhay danjireyaashiisa ka jooga Maraykanka iyo Ostaraaliya. Talaabadan ayaa timi kadib markii sadexda dal ee Af-Ingiriiska ku hadla ee Maraykanka, Ingiriiska iyo Ostaraaliya ay ku heshiiyeen inay dhistaan gujis qaaada hubka nukliyeerka.


Waxa gujiskaasi keenay in Faransiiska oo heshiis hore la galay Ostaraaliya daaqada laga saaro. Hershiiskan gujis dhisida ayaa Faransiisku ku helaayay balaayiin doolar iyo shaqo abuur aad u badan.

Faransiiska ayaa talaabada daaqada looga saaray ku tilmaamay in gadaal laga soo toogtey, wuxuuna sheegay inuu qaadi doono talaabo ku haboon. Wuxuu hadda la soo baxay safiiradiisa u kala joogay Maraykanka iyo Ostaraaliya.


Heshiiska lagu dhisayo gujiska qaada hubka nukliyeerk ayaa waxa sidoo kale cambaareeyay Shiinaha oo sheegay inay tahay wax laga xumaado oo keliya ay keenayso baratanka hub urursiga. Indooniisiya ayaa sidoo akle iyadna cambaaraysay iskaashiga dalalka markii hore xulafada ahaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.