X

Ninkii helay cudurka Iboola oo sheegay in laga adkaaday 40 sanno kadib

Ninkii helay cudurka halista ah ee Iboola ayaa markii hore horeysay muddo afartan sanno kadib sheegay in cudurka laga adkaaday, hadda wixii ka dambeeyana la xakameeyay faafidiisa. Ninkan oo ku takhaasusay caabuqa ayaa dheecaan uu ka qaaday cudurka u direy dalkaasi Beljim sanadii 1976.


79 jirkan lagu magacaabo Jiin Muyenbe ayaa hadalkan ka jeediyay kadib markii dalkaasi Koongo oo uu ka soo jeedo ay timi daawo uu Maraykanku sameeyay oo ka hortagaysa cudurka.

”40 sanno waxaan ahaa markhaati iyo halgamaa dagaal kula jira cudurkan dilaaga ah ee isla markaaba qofku dhiig matagayo, maantana waxaan ku faraxsanahay inaan ka adkaanay, waa la iska daawayn karaa waana laga hortagi karaa ayuu yiri.


Iboola oo ah webi loogu magac daray cudurka maadaama webiga agtiisa laga helay ayaa dalalka Koongo, Siiraliyoon iyo Gini ku diley dad gaaraya 11kun oo qof halka guud haan uu ku dhacay 15 kun oo qof.

Waxa mahadle RABIGA fasaxay daawadiisa ayaan aniguna raacinayaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.