X

Yaa ku amray Jabuuti inay diyaarada kala degto la taliyaha madaxweynaha Somaliya

Ismaaciil Cumar Geele ayaa si qaawan u farogeliyay siyaasada gudaha ee dal aanu noolan karin la’aantiis. Fadhiid Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay inuu xanuunsan yahay inkastoo warbaahintiisu sheegtay inuu nasasho ku jiro.


Su’aasha dad badan is weydiinayaan ayaa ah yaa amray inuu diyaarada Turkiga kala dego la taliyaha madaxweynaha Somaliya Fahad Yaasiin. ”Cidkale maaha waa kooxda Xalane oo aan rabin in la taliyuhu soo gudbiyo xogta uu ka hayo haweenay iyaga ka tirsanayd maalinta berito ayuu yiri Cali Calasow.

Waase la soo gudbin doonaa ayuu ku adkaystey masuul u hadlay dawlada ama ha xanibaan Fahad ama ha sii daayaan.


Waxay muujinaysaa sida kooxda sheegata beesha caalamka ayna u rabin in madaxweyne Farmaajo markale u tartamo doorashada. Kiiska Ikraan Faaraxna marmarsiiyo looga dhigto ayuu raaciyay Cali Calasow. Maxaa loo celiyay Fahad waa in ugu yaraan berito uu baaqdo kulanku.

Waxa la is weydiinayaa inay isku meel yihiin diyaarad kala degida la taliyaha madaxweynaha iyo shirqool xalay saqdii dhexe fashilmay oo laga soo abaabuley xarunta Xalane kadib markii ciidan la keenay madaxtooyada.


”Ismaaciil Cumar Geelle waxay ahayd inuu ka fikiro inta aanu la degin madaxda dalka ayuu yiri Xuseen Warsame waayo cid isaga uga futo xun ma jirto oo taageero u baahan.

Waxa soo fashilmaya Fahad Yaasiin ayaa diley Ikraan iyo awrkacsiga qabiil ee labada kooxeed ee musharixiinta ku qaraabta Hawiye oo garab ka helaya kooxda Xalane.


Ismaaciil Cumar Geelle oo khaladkiisa arkay ayaa hadda sheegay inuu dib u celinayo madaxda uu diyaarada kala degay. Waxkasta oo dhaca wuxuu toos ula jiraa cadowga dalka tan haddana way ku qaraxday. Ina Xuseen Rooble oo shalay lahaa cid lagama celin karo dhoofid muxuu u joojiyay nin ay beeshiisu dusha ka saareen Ikraan Faarax.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.