X

Deg-deg: Ruushka oo amray in heegan la geliyo gantaalaha nukliyeerka

Madaxweynaha Ruushka Faladhimeer Buutin ayaa amray in gantaalaha sida nukliyeerka heegan la geliyo kadib markii hanjabaad ay ka Timi ururka Maraykanku ku shaqaysta ee loo soo gaabiyo NAATO.


“Halkaa markay marayso arinti dunidu halis ayay ku jirtaa mana jirayso Cid guushu raacayso, waxase khasaaraha ugu weyn soo gaadhaya reer galbeedka siiba Maraykanka iyo Ingiriiska oo ah meelaha ugu horeeya ee lagu garaaci doono ayuu yiri Xuseen Warsame.


“Waxaan farayaa milatariga inay heegan geliyaan gantaalaha sida nukliyeerka waxa na soo gaadhaya hadalo hanjabaada oo ka imaanaya kooxda NAATO ayuu yiri Faladhimeer Buutin.



Ruushka ayaa ku filan dhamaan qaarada Yurub inuu baacsado, waxase lagu dilayaa dhaqaale iyo askar badni, waxase garabkiisa taagan Shiinaha iyo Woqooyiga Kuuriya oo la jaara iyo dhamaan wadamada Muslimka ah ee ka tirsanaan jiray midowgii Soofeeti ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Haddiise ay noqoto in gantaalaha nukliyeerka laysku garaaco ma jirayso Cid guul gaara gaaraysa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.