Masuuliyiinta Sacuudiga oo bisha ay tirsadaan hal maalin ka hoeyso bilaha wadamada kale tirsadaan ayaa shaaciyay inay caawa oo Jimce ah ay SOON tahay Isla markaana salaada taraawiikhda lagu tukan doono guryaha iyo xaramka keliya.
Wadamada kale ee iyagu ku dhawaaqay in berito oo Jimce ah ay Soon tahay ayaa waxa ka mida Malaysiya, Masar, Lubnaan, Indooniisiya iyo Tuuniisiya halka Wadani kale soonku kow u yahay Sabtida.
Dawlada Somaliya ayaa muwaadiniinta u sheegtay inay soo sheegaan hadday arkaan bisha si markaasi loo soomo. Xilliga warkan aan daabacney welli laguma dhawaaqin Haddiise Soon noqoto berito waxay noqonaysaa markii ugu horeysay oo dalkoo dhan hal mar laga wada soomo.
Labada maajid ee qiblada iyo Masjidka rasuulkeena suuban CSW ayaa faaruqa ayadoo albaabada loo laabay si loo yareeyo faafida cudurka Kooro, waxase jira warar kala duwan oo sheegaya in dad Tati sida sheekhda Sacuudiga ay ku tukan doonaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS