Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Deg deg: Sucuudiga oo haweenkooda u ogolaadey in laysanka gaadhiga qaadan karaan

Sucuudiga oo haweenkooda u ogolaadey in laysanka gaadhiga qaadan karaan. Sucuudiga waa dalka kaliya ee aduunka ee haweenku madnuuc ka yihiin in ay wadan karaan gawaadhida.

Dhaqankan haweenka loogu diidayo gawaadhida ayaa soo jirey muddo aad dheer wuxuuna ku salaysnaa madhabta Wahaabiyada oo Sucuudigu aduunka ku faafiyo.



Madhabtaas ayaa waxa sii faafiya argagixisada aduunka Muslimka faraha kulul ku haysa.

War digrii ah oo ka soo baxay boqorka dalkaasi ayaa loogu fasaxay haweenka in ay laysanka gaadhiga dalban karaan.

Boqor Salmaan ayaa jabiyay xadhig kala xidheyay dadka Sucuudiga. Dhaqankan ayaa inta badan loogu diidanaa haweenka in ay xor noqon karaan ayadoo wax diina shaqo ku lahayn.



Digriiga boqorka ayaa faray wasaarado badan sidii loo dhaqan gelin lahaa. Talaabadan ayaa waxa diidi doono xagjiro badan oo ka mida bulshada Sucuudiga oo diidan xaqa haweenku u leedahay in si nabada keligeed ku socon karaan kuna safri karaan.



Haweenka Sucuudiga ayaa kaliya loo ogolyahay in ay xirtaan dharka madow wejigana qarsadaan. Dhaqankaas oo ay ku faafiyaan dunida Muslimka ah.

Digriigan ogolaanaya in haweenku wadan karaan gawaadhida ayaa dhaqangeli doona sanadka dambe bisha Juun. Boqorka Salmaan ayaa sheegay in ayna jirin diin u diideysa haweenka in ay gawaadhida kaxaystaan.

Dib u dhaca in la hirgeliyo digriigan isla markiiba ayuu boqor Salmaan ku tilmaamey in at tahay oo kaliya in la hubiyo haykalada wadooyinka iyo hagaajinta amniga haweenka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...