X

Deg-deg: wasiirka koowaad oo ka dalbaday kooxda Xalane in lala rido madaxweynaha

Wararka aan ka helayno Xalane ayaa sheegaya in kooxda sheegata beesha caalamka ay aad uga naxeen wareegtada ka soo baxday ee lagu amray inuu ku ekaado shaqada doorashada ee loo direy, hadda laga bilaabana loo ogolaan doonin inuu ku tunto dastuurka.


Ilo ka ag-dhow Maxamed Xuseen Rooble ayaa noo xaqiijay in raiisal wasaaruhu raadsaday talo wareegtada kadib una sheegay kooxda Xalane in lala rido madaxweynaha maadaama awooda aan haystaa ay yartahay, mid qabiilna aan adeegsan karin ayuu yiri shaqsiga xogta aan ka helnay.


”Waxa hadda ugu daran ka jawaabida wareegtooyinka ka soo baxa madaxweynaha oo loola tago kooxdii qortey dastuur dhoodhoobka ayuu yiri shaqsiga magaciisa qariyay ee xogtan nala wadaagay.

Kooxda Xalane ee sheegata beesha caalamka ayaa iyagu sheegay inay yartahay waxa ay ka qaban karaan maadaaama ishu awalba ku godnayd  taasina ayna u fiicnayn isaga.


Laakin wasiirka koowaad ayaa qaba inuuna isagu rajo ka lahayn madaxtinimada laakiin ay fiicnaan lahayd inuu la dego madaxweynaha. Waxase xogtu sheegaysaa in Rooble la wadaagin si kale oo loo ridi karo.

Waxay kooxda Xalane u sheegeen Rooble in sida keliya ee lagu ridi karaa madaxweynaha uu yahay kacdoon qabiiliya oo abuura rabshado joogta ah, taasina ay hore ugu fashilmeen kooxda sheegata musharixiinta Hawiye, markii ay diideen isla shacabkii ay ku qaraabanaayeen.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.