X

Shirqool ay diyaariyeen kooxda Xalane oo fashilmey saacadii u dambeysay

Wararka aan ka helayno madaxtooyada Somaliya ayaa sheegaya in askar badan lagu xoojay xalay agagaarka guriga madaxweynaha. Askartaas oo ka yimi xarunta Xalane. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro inqilaab fashilmay saacadii u dambeysay.


Kooxda Xalane ee soo dirtey askartan ayaa ujeedadu ahayd inay afduubtaan madaxweynaha, waxase ay isla garteen saacadii u dambeysay in taas ay ka darnaan doonto kacdoon balaaran uu ka dhalan karo ayay sheegay nin xogtan laga soo xigtey.


”Askarta faraha badan waxa soo direy ninka lagu magacaabo Jaymis oo ah xoghayaha u fadhiya qaramada midoobay Somaliya oo isagu isku haysta inuu dalka maamulo ayuu yiri ninkan xogtan soo weriyay oo magaciisa qariyay.

Si kastaba ha ahaatee jkooxda Xalane ayaa qasaya siyaasada dalka ayagoo si cad u diidan in madaxweyne Farmaajo markale soo noqdo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.