X

Deg-deg: Yukarayn oo u diyaara inay is dhiibto: Maraykankii waa baqay

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu aqbalo is dhiibida Yukarayn ayna cad yihiin talaabada loo baahan yahay inay samayso. “Waa inay yeelaan laba xaalo 1- dhexdhexaadnimo oo ah inay ilaabaan ku biirida kooxda Maraykanka ee hadda burburtey ee loo yaqaaan NAATO oo ah waxa ku kalifay Ruushka inuu dagaalkan soo qaado. 2- Inayna ogolaan in hub dambe oo lagu xasuuqo dadkisa aan la keenin Yukarayn ayuu raaciyay afhayeenka.


“Waxaan u aragnaa arin lagu joojin karo weerarka hadda socda. Ruushka ayaa hore u sheegay in layska indha-tiray amniga dalkiisa oo Maraykanku kolba ku soo durkayo dadkiisa. Madaxweynaha Yukarayn oo isna hadlay ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay qaadaan talaabo kasta oo lagu badbaadinayo qarankiisa.


”Waxaan la hadlay kuwaan danta wadaagno ee jooga Yurub waxaanan u sheegay in dalkiisu halis ku jiro inuu burburo ayna jirina wixii la odhan jirey NAATO ayna qaadi doonaan talaabo kasta oo ay isku badbaadiyaan oo ay ku jirto inay is dhiibaan ayuu yiri Seleski. Ruushka ayaa balan qaadaya haddii la filayo qodobada madaxweynaha dalbadey inay joojin karto weerarka socda.


Madaxweynaha Yukarayn oo hadalka sii wata ayaa sheegay inuu reer galbeedka weydiiyay inay la jiraan, waxay dhamaantood sheegeen inay la jiraan, waxaan weydiiyay inay ku biirin doonaan ururka NAATO, waxaan ka waayay hal wadan oo yiraa waan kugu biirin doonaa, mar hadday cabsidaas jirto oo la baqay, waxa muuqata in cidla nalooga dhaqaaqay ayuu yiri madaxweynah yukarayn.



Ma jirto cid reer galbeeda oo dagaalkan nala galaysaa way baqwayaan dhamaantood ayuu raaciyay. Waxa noo cad inaan garano waxa noo dana oo ah inaan is dhiibno oo macnaheedu yahay inaan aqbalno soo jeedinta labada qodob ee madaxweyne Buutin. Kama baqayno inaan la hadalno madaxweyne Buutin.


Waxase su’aashu ka taagn tahay yuu rabaa inuu dhexdhexaadiyo iyaga iyo Buutin? Wararkii u dambeeyay ee xaalada Yukarayn ayaa sheegaya in milatariga Ruushku curyaamiyay ciidankii Yukarayn oo gebi ahaanba ayna jirin iska caabin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.