X

Yukarayn oo baryo u diratey Buutin iyo Dayib Erduqaan oo ka nixiyay

Madaxweynaha Yukarayn oo hore u sheegay inay diyaar u yihiin inay is dhiibaan ayaa markale baryo u direy madaxweyne Buutin. “Fadlan aan wada hadalo oo aan joojino dhiiga daawanaya ayuu yiri Selanski oo la hadlay saxaafada.


Oohinta madaxweynaha Yukarayn ayaa Timi ayadoo milatariga Ruushku ay ku sugan yihiin gudaha caasimada Yukarayn oo ay si xora u socdaan ayadoo ayna jirin haba yaraatee wax iska caabin ah oo buuran.


Shalay ayuu Selanski u darsaday madaxweynaha Farabsiiska inuu ila hadlo Buutin si loo joojiyo dagaalka. Ciidanka Ruushka ayaa boqno gooyay inta badan difaacii cirka ee dalkaasi weyn laakiin aan lahayn awood uu isaga celiyo Ruushka.


Dhinaca kale Turkiga ayaa diiday inuu xidho biyo mareenka hadda madow ee tagta dalkaasi Ruushka. Biyo mareenka ayay Yukarayn sheegtay inay ka soo galayaan maraakiibta dagaalka.


“U malayn maayo in Yukarayn hadda ay baahi u qabto in laga xidho marinkaa waayo maba haysato dhul ayuu yidhi Xuseen Warsame.



Oohinta Yukarayn ayaa imaanaysa ayadoo wayday cid taageero milatari u fidisa halka Maraykankii ka baqay inuu Ruushka faraha la galo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.