X

Degdeg: Asarbajaan oo guushii cagta saartey kadib markay kala jartey

Ciidanka xooga dalka ee Asarbajaan ayaa kala jaray wadadii isku xireysay gobolka Nagoorno Karabaakh iyo Armiiniya, waxaana halkaa ku joogsaday hubkii iyo saanadii ka imaanaysay dhinaca Armiiniya iyo Ruushka haba yaraatee.


Ciidanka ayaa hadda tartiib tartiib ugu siqaya caasimada gobolka Nagoorno Karabaakh ee Khankedi oo ay ku hareen dadka da’da ah ee iyagu diidey inay ka baxaan magaalada halka caruurtii iyo haweenkii marhore u qaxeen Armiiniya.

Magaalooyinka kale ee gobolka ee laga qixiyay shacabkii Asarbajaan 30 sano kahor ayaa waxa la dejiyay Armiiniyiiin ka soo qaxay Siiriya kuwaas oo hadda u qaxay Armiiniya.


Ruushka ayaa ka qayliyay guusha Armiiniya laakiin dhab ahaantii sidii Armiiniya rabtey uma farogelinisagoo diidaya inuu 2 milyan oo Armiiniyiina oo gaalo ah ku doorsado 150 milyan oo qabiilka Turkiiga ah ee qaarkood xulafo la yihiin.

Asarbajaan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqdo guul inkastoo welli ay jiraan tuulooyin xadka ku yaala laakiin buuralay ah oo Armiiniya hub badan soo gelin karin ay u baahan yihiin inay la xoreeyo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweynaha Asarbajaan uuna u sheegay war farxadleh, dadkuna dhawaan ku noqon doonaan guryahooda.

Hoos ka daawo tuulooyinkii u dambeeyay ee la xoreeyay


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.