X

Jabuuti oo askar Tigree ah dalkeeda ka masaafurinaysa

Wararka laga helayo wasaarada arimaha gudaha ee dalkaasi Jabuuti ayaa sheegaya in askar Tigree ah oo gaaraya ilaa 6 laga masaafurinayo Jabuuti laguna celinayo dalkooda. Dib u celintan ayaa timi xilli xiisada gobolka Tigreegu cirka isku shareertay.


Lama oga waxa xilligan ku beegay dib u celintooda, waxase warar hoose sheegayaan inay qayb ka yihiin falaagada Tigreega ee raba inay afgambiyaan Cabi Axmed. Falaagada Tigreega ayaa jabsaday si toos ahna ula wareegay xero ciidan oo askarta joogtaa dhamaantood yihiin Tigree uu ku aruuriyay aaga madaxweynihii Tigreega ee Milas Sanaawi.


Lama sheegi karo in askartan hadda dalka laga saaray iyo in welli jeelka ku jiraan. Jabuuti ayaa waxa ka buuxa Axmaaro iyo Tigree farabadan oo ka xoogsada inkastoo Oromadu kaga badan tahay.

Cabi Axmed ayaa diyaaradihii ugu horeeyay ku weeraray falaagada Tigreega si uu u soo afjaro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.