X

Saynisyahano Jabaaniisa oo nooc cusub oo Koroona ka helay saxarada fiidmeerta dalkooda

Saynisyahano Jabaaniis ayaa sheegay inay nooc cusub oo la mida cudurka Koroona 19 ay ka heleen saxarada fiidmeer ku nool hogag ku yaala dalkaasi Jabaan. Saxarada fiidmeerta nooca u eg faraska ayaa laga helay cabuq la mida cudurka Koroona 19.


Cilmi baadhista ay sameeyeen ayay ku sheegeen in caabuqan aanu u soo gudbin dadka ee uu ku eg yahay fiidmeerta, iyadoo la aaminsan yahay in fiidmeerta la cuno laga qaaday cudurkan Koroona oo noocyo badan.


Waa markii ugu horeysay ee Jabaan lagu arko jiritaanka cudurka Koroona saxarada fiidmeerta ku nool halkaas. Cilmi baadheyaasha Shiinaha ayaa iyagu dalkooda ka helay cudurkaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.