X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey duulimaadyada gudaha

Wasiirka duulista iyo hawada ee dawlada dhexe ee Somaliya ayaa war ka soo saaray duulimaadyada gudaha dalka oo welli socday ilaa iyo intii la mamnuucay kuwa dibedda ka imanaya.


Ujeedada loo joojiyay duulimaadyada gudaha ayaa lagu sheegay ka hortaga cudurka oofwareenka ee Kooro. Qoraal ka soo baxay wasaarada ayaa la faray shaqaalaha diyaaradaha inay u hogaansamaan.



Amarkan ayaa dhaqangeli doona maalinta beri ah. Dadka qaar ee iyagu carbuuntey diyaarada inay raacaan maalinta berito ayaa muujiyay sidey uga xun yihiin amarkan degdega.

ā€¯Waxay ahayd in dawladu siiso dadka digniin hore si ayna u carbuunan diyaaradaha gudaha tani waxay muujinaysaa in dawladu ku degdegtay ayuu yiri Cali Calasow.

Waxa iyagu amarkan ka reeban diyaaradaha sida gargaarka sida daawooyinka iyo wixii la mida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.