X

Ruushka oo caawimo la soo gaaray Talyaaniga xilli Maraykanku u barya tagey Shiinaha

Milatariga dalkaasi Ruushka ayaa gargaar qalab oo lagu nadiifiyo xarumaha iyo weliba kuwa neefta la gaaray Talyaaniga oo hadda sheegaya in xanuunka Koorio aanu gaarin halkii ugu saraysay.


Talyaaniga ayaa sheegay in Yurub ayna jirin oo midkasta lafaheeda ula tacaalayso cudurka Kooro. Milatariga qaybta nadiifinta ee dalkaasi Ruushka ayaa gaaray xarunta xudunta u ah Kooro ee dalkaasi Talyaaniga.

Laba diyaaradood oo kuwa xamuulka ah ayaa lagu keenay gawaadhida kaagiga ah oo gaaraya 22 gaadhi.


Dhinaca kale Maraykanka ayaa si qarsoodiya u barya tagay Shiinaha si uu ula soo gaaro qalabka neefta, kuwa gacmaha lagu nadiifiyo iyo qalabo kale oo la xirto marka la aadayo bukaanka qaba Kooro.

”Ma rabo inuu qirto inuu diciif yahay oo Shiinuhu aad u dhaafay meelaha qaar waana ta kaliftey inay beeniyaan inay dalbadeen in lala soo gaaro qalab muhiima xilli Maraykanku hadda yahay halka ugu badan ee xanuunku haleelay ayuu yiri Xuseen Warsame.


Shiinaha ayaa codsigaa ka jawaabay isla markaana soo direy qalabka loo baahan yahay sida ay qoreen warbaahinta Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.