X

Dawlada Somaliya oo war ka soo saartey Somali xaniban

Wasaarada duulista iyo hawada ayaa war ka soo saartey muwaadiniin Somaliyeed oo Ku xaniban wadamada jaarka iyo Carabta Imaaraadka kadib markii la xanibay duulimaadyada dalka uga imaanaya dibeda si loo yareeyo hargabka Shiinaha.


Wasiir Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inay si ku meel gaara u fasaxeen duulimaadyada Ka imaanaya wadamada Itoobiya, Kiiniya iyo Dubay halkaas oo rakaabyada qaar ay seexdeen sadex habeen, qaarkoodna Ku jireen huteelo qaaliya.


Wuxuu dhinaca kale wasiirku sheegay ina hubiyay caafimaadka dadkaas Isla markaana la marin doono nidaamka jira. Dhawaan ayay ahayd markii dawlada Somaliya mamnuucday dhamaan duulimaadyada caalamiga, go’aankaas oo gebi ahaanba dalka dhaqan galay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.