X

Gobolo uu ka curtey roobka gu’ga oo lagu raystey

Kadib kuleyl ba’an oo maalmahan ka jirey dalkoo dhan ayaa RABI u qaboojay adoomihiisa. Roobka gu’ga ayaa hadda Ka curtey gobolada dalka  qaarkood. Gobolada aadka loogu raystey ayaa waxa Ka mida gobolada Togdheer, Awdal, Sool, Mudug, iyo Galguduud.


Roobka nimcada ah ee lagu raystey ayaa yimi xilli durba laga qaylinayo biyo yaraan maadaama dhamaan goboladaas ay Ka jiraan maamulo fadhiidka oo Ku nool dadka waxba soo kordhin.


Somaliya ayaa sanadkii tagey RABI MCO badan u shubey taas oo hadda cad in aan inteeda badan laga faaiideysan ayna ugu wacan tahay maamul xumadda Ka jirta goobaha roobkani Ka da’ay.


Si kastaba ha ahaatee dadka degan goboladaas ayaa Ku farxay nimcada timi ayna muhiim tahay inay RABIGOOD uga mahadceliyaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.