X

Degdeg: Maraykanka oo qirtey in cunaqabatayntii Ruushka ay khasaare ka qaadeen

Maraykanka oo wata xulafada reer Yurub qaarkood ayaa cunaqatayn saaray Ruushka asagoo isleh lugaha u taag dhaqaalaha Ruushka, waxase ugu dambeyn uu qirtey inay iyagu lugaha is gooyeen khasaare xun ka soo gaadhay.


Wasiirka maaliyada Maraykanka oo la hadlaayay raiisal wasaaraha Yukrayn ee ay iyagu wataan ayaa u sheegay inaanu Yurub kula talinayn inay gooyaan gaaska iyo saliida Ruushka.

”Faaiido kama soo galayso Yurub inay joojiyaan gaaska iyo saliida Yurub waayo adduunka dhan ayay khasaare u tahay Ruushkana waxba uma dhibayso ayuu yiri wasiirku. Waxay keenaysaa keliya inay gaas yar iibiyaan laakiin waxay ku iibinayaan sadex laab inta ay hadda ku gadaan, taasna anaga ayuu khasaaruhu nagu dhacayaa ayuu raaciyay.


”Halka aan ka filayno inay Ruushka wax u dhinto waxay khasaare ka weyn inagu tahay inaga ayuu yiri Deniis Shiihal. Wa markii ugu horeysay oo Maraykanku qirto inay khasaare xun oo dhaqaale iyaga haysato ayna ku fekerayaan wadadii ay uga bixi lahaayeen.



Dhinaca kale Ruushka ayaa hadda saliidiisa iyo gaaskiisa ku gadanaya lacagtiisa wacadna ku maray wadankii ku bixin waaya uu ka jarayo gaaska. Yurub oo taa awal diidanayd ayay naftu ku qasabtey inay ogolaadaan.


”Ma jebinayso heshiiska gaaska haddii lagu bixiyo lacagta Ruushka ee Ruubalka ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay midowga Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.