X

Goobjooge ka waramay cida joogtey kulankii Khaatumo ee la qarxiyay

Madaxweynaha Butlaan Axmed Karaash ayaa cambaareeyay qarax reer Khaatumo fadhiyeen oo lagula eegtay magaalada Muqdisho. Haddaba waxaad is weydiin kartaa sidee lagu ogaaday inay goobta ku shirsan yihiin xildhibaanada Dhulbahante.


”Dadka afurada isagu yimi waa gaadhayeen 100 qof iyo dheeraad. Waxaa ka mid ah 18 xildhibaano cusub iyo kuwii hore. Waxaa joogay afar Jeneraal oo uu ku jiro taliye Xijaar oo booliiska xukuma. Waxaa ku jiray agaasimayaal madaxtooyada iyo xafiiska raysalwasaaraha iyo wasaaradaha kala duwan ee dawladda.


Waxaa joogay lataliyaha madaxweynaha ee dhanka sharciga iyo wasiirka Kaluumaysiga. Waxaa joogay dhallinyaro badan oo wax baratay. Aniga iyo Axmed Keyse iyo Indhasheel oo qaban qaabiyey xafladda waa joognay. Waxaa joogay ganacsato. Waxaa kaloo joogay Garaad Saleebaan Buraale oo xanuunsanayey.

Dadkaas oo dhan waa wada Dhulbahante. Cidi ma wehelin. Cidina kama maqnayn.


Qorshuha cadawgu wuxuu ahaa marka shirka laga baxo in albaabka nalaku qarxiyo. Waxaan filayaa in dad gudaha ku jiraa hagayeen ninka wax qarxinayey inuu albaabka nagu sugo. Haddaba nasiib wanaag markii shirkii noo dhamaaday oo aan soo dhaqaaqnay ayaa qolyo na yidhaahdeen in yar u faq baa jira ee dhowr qof oo odayaal ahi ha na sugeen.


Dadku waa wada wardoon oo intii kalena waa sugeen oo malaha waxay rabeen in waxa loo hadhay wax ka ogaadaan. Malaha markaa ninkii wax qarxinayey lama odhan ragii waa hakadeen oo wuu soo cararay oo is qarxiyey. Sidaas ayaa askartii debedda joogtay ku dhinteen. Askartana waxaa u badnaa Dhulbahante laakiin waa la weheliyey.


Nin sarkaal ah oo Caligeri ah ayuun baan hubaa inuu ku dhintay. Laakiin khasaaruhu aad iyo aad ayuu u badan lahaa caawa. Oo halkan qoraal ifiin kama soo direen ee idinkaa ii soo duceen lahaa.

Noloshayda waa markii iigu horaysay oo aan arko hilbo dad oo shaaraca wadhan.



Si kastaba ha ahaatee waa Ilaahay haddii aan dhibta intaa leeg uu naga badbaadiyay. Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkan wuxuushnimada ah ee dhiigmiiratada la soo dirsaday ay fuliyeen.

Goobjooge warkan nala wadaagey

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.