X

Degdeg: Ruushka oo bilaabay xoreynta dadkiisa Yukarayn iyo Maraykanka oo cabsatay

Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa faahfaahin dheeraada Ka soo saartey hawlgal khaasa oo uu amray madaxweynaha Buutin saakafio hore xilliga Moosko oo lagu xoreynayo dadkiisa Ruushka ee maalinkasta lagu garaaxayo hub ay Yukrayn siiyeen Maraykanka iyo Ingiriiska.


” Markii uu yimi codsinka imaanaya gobolada Dombaas oo ay wajahday garaacis joogta ah xeerka noo yaslna uu yahay inay waajib magu tahay inaan caawino iyaguna ay dalbadeen waxaan amray hawlgal khaasa ayuu yidhi mafaxweyne Buutin.


Milatariga Ruushka ayaa Isla markiiba curyaamiyay ciidanka lidka diyaaradaha ee gobolka Dombaas ka jooga Yukarayn, waxayna sheegeen inayna la kulmin wax iska caabin ah. Milatariga Ruushka ayaa sidoo kale beeniyay in diyaarad laga soo today.


Dhinaca kale Maraykanka ayaa meesha Ka saaray inuu ciidan u dirayo Yukarayn si uu u difaaco. Uma socono inaan la dagaalami Ruushka ayuu yidhi afhayeen u hadlay mafaxweyne Baydin. Taas oo Ka dhigon Cabdi ay ka qabaan Ruushka.


Furuufuraada ugu badan ayaa ka imaanaysa Ingiriiska oo iyaga iyo Maraykanka ay hub ku daldaleen Yukarayn. Lama garan karo in Ruushku xoreyn doono inta kale ee gobolada Dombaas ee welli ku Jira gacanta Yukarayn ee ay degan yihiin dadkiisu iyo inuu keliya fogeynayo ciidanka Yukarayn ee hadda weerarka ku haya labadaasi gobol.



Madaxweynaha Yukarayn oo isku dayay inuu waco madaxweyne Buutin ayaa sheegay in cidna ka qaban wayday telfoonka. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay inay is dhiibeen viidankii Yukarayn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.