X

Degdeg: Turkiga oo tijaabiyay kaamara meel fog wax ka arkaysa oo Kanada u diidey

Dhawaan ayay ahayd markii Kanada sheegtay inay joojisay kaamaradaha meel fog wax ka soo dhaweyn kara ee lagu xidho diyaaradaha aan is wadin ee Turkigu hadda horumar weyn ka sameeyay. Diyaaradahaas aan is wadin ayaa burburiyay dhamaan hubkii Armiiniya ku haysatey Karabaakh.


Shirkada hubka ee Rokadsaan ayaa markiiba buuxisay kaalinta banaan ee ay ka baxday shirkadii Kanada ee ay ka soo iibsan jireen. Talaabada Turkiga ayaa niyadjab iyo shaqo la’aan ka abuurtey shirkada Kanada ee ay ka soo iibsan jireen.


Shirkada Bayraktar ee samaysa diyaaradaha aan is wadin ayaa tijaabisay kamaradan meelaha fog wax ka soo dhaweynaysa, waxaymna sheegeen in hadda kadib lagu xidhi doono diyaaradaha cusub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.